Xamad el Khairy

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya | Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo dollar siinaysa ciddii keenta xog ku saabsan Xamad el Khairy, oo sidoo kale loo yaqaan Amada Ould Kheirou ama Abou Qumqum, doorkii uu ku lahaa aasaasaha kooxda argagixisada ah ee Dhaqdhaqaaqa Midnimada iyo Jihaadka Galbeedka Afrika (MUJWA).

Inta uu hogaaminayay Khairy xubnaha MUJWA waxa ay fuliyeen weeraro argagixiso iyo afduubyo loo geystay dublamaasiyiin shisheeye iyo shaqsiyaad kale.  Khairy wuxuu sheegtey inuu mas’uul ka ahaa afduubkii bisha Abriil 2012 loo geystey todobo diblomaati Aljeeriyan oo Maali joogey, oo waxaa lagu arkey fiidiyow ay MUJWA soo saartey oo uu ku cabsi galnayo kuwa ururkiisa ka soo horjeeda.  Bisha Janaayo 2012, Khairy wuu sheegey in hadafka MUJWA uu yahay in ay “shariicada ku soo daboolaan dhammaan Galbeedka Afrika.”

Doorkiisa hogaamiyenimo ka hor MUJWS, Khairy wuxuu xubin ka ahaa al-Qaacida ee ururka Islamic Maghreb oo qorsheyn jiray howlo argaggixisonimo oo lid ku ah Muriitaaniya. Bisha Oktoobar 2011 dhexdeeda, Khairy wuxuu amrey afduubka seddex qof oo shaqaalaha deeqda ah oo Yurubiyan ahaa ee Aljeeriya dhexdeeda, iyagoo labana qori ay ku dhaawaceen.

Taariikhdu markay ahayd 7da bishii Diseembar, 2012, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Khairy waxay u magawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Khairy hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Khairy la sameeyaan.

Skip to content