Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ku bixinaysa ciddii keenta xog ku saabsan qaraxyadii safaaradda Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania ee dhaay 1998-kii. Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Agoosto, 1998, xubno ka tirsan kooxda argaggixisada ah ee al-Qaacida (AQ) waxay isku mar duqeeyeen safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Dar es Salaam. Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay 224 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 4,500 qof oo kale, waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaashii safaaradda iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku dhowaa goobta qaraxa ka dhacay.
Magaalada Nairobi dhexdeeda, argagixisadu waxay ku qarxiyeen baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa agagaarka barta baabuurka la dhigto ee safaaradda, halkaas oo ay ku dileen 213 qof – oo ay ku jiraan 44 shaqaale safaaradeed (12 Ameerikaan ah iyo 32 ajnabi ah) – waxayna ku dhaawacmeen in ka badan 4,500 oo kale, oo uu ku jiro Safiirka Mareykanka Prudence Bushnell.
Magaalada Daarusalaam dhexdeeda, argaggixsada oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa damcay inay albaabka safaaradda la soo galaan, waxayna rasaas ku fureen gaariga, kadibna way ku qarxiyeen. Qaraxii ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, waxaana ku dhaawacmay 85 qof.
Shakhsiyaadkan soo socda ayaa la maxkamadeeyay laguna xukumay maxkamad federaal ah oo Mareykanka dhexdiisa ah kuwaas oo lala xiriirinayo inay weerarrada ka dambeeyeen:
- Mamduux Maxmuud Salim, oo ah aasaasihii ururka AQ, ayaa bishii Seteember 1998 lagu xiray dalka Jarmalka, waxaana loo gacan geliyey dowladda Maraykanka. Waxaana lagu xukumay xabsi daa’im isaga oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qaraxyadii.
- Bishii Oktoobar 2001, hawl-wadeennada AQ Wadih El-Hage, Khalfan Khamis Maxamed, Maxamed Rashed Dauud Al-Owhali, iyo Maxamed Sadeek Odeh ayaa lagu helay eedeymo ah inay qorsheynayeen oo ay fuliyeen qaraxyada waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
- Bishii Janaayo 2011, hawlwadeenka AQ Axmed Khalfan Jaylaani ayaa lagu helay dambi waxaana lagu xukumay doorki uu ku lahaa qaraxyada.
- Bishii Seteember 2014, Caadil Cabdel Bari, oo ay aad isugu dhawaayeen hoggaamiyaha ururka AQ Ayman al-Zawahiri, ayaa qirtay dambiga ah in uu maleegayay dilka muwaadiniin Maraykan ah, waxaana lagu xukumay 25 sano oo xabsi ah. Waxaa xabsiga laga sii daayay sannadkii 2020ka.
- Bishii Maajo 2015, Khaled al-Fawwaz, ku xigeenkii hogaamiyihii hore ee AQ Usama bin Laden, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, kadib markii uu xiriir la lahaa weerarada.
Xeerbeegle heer federaal oo Mareykan ah ayaa ku eedeyay Cabdullah Axmed Cabdullah, Anas al-Libi, Maxamed Atef, iyo Usama bin Ladin doorkii ay ku lahaayeen weerarada. Dhammaan madaxdii hore ee muhiimka ahaa ee ururka AQ, hadda way dhinteen.
Sidoo kale Abaalmarinta Caddaalaadda (Rewards for Justice) waxa ay abaal-marin siinaysaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan hoggaamiyaha al-Qaacida Sayf al-Adl,kaas oo lagu eedeeyay doorkii uu ku la’haa qaraxyadii Safaaradda.
