Afduubkii iyo Dilkii dad Ameerikaan ahaa ee Filibiin joogay

RFJ waxay bixisay abaalmarin lacageed oo gaaraya $1 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay ku bixisay xogtii keentay halka uu ku sugnaa taliyaha kooxda Abuu Sayyaf (ASG) Xamsiraaji Saali.
Hamsiraji Sali wuxuu ka qaybqaatay afduubkii ASG ee dhacay taariikhdu markay ahayd 28ka bisha Agoosto, 2000 ee Jeffrey Schilling iyo dhacdadii afduubka ahaa ee Dos Palmas ka dhacday taariikhdu markay ahayd 27ka bisha Maajo, 2001. Iyagoo loogu beddeshay siideynta Jeffrey Schilling, ASG waxay dalbatay lacag gaaraysa $10 milyan oo doolar ah iyo in xabsiga laga sii daayo saddex argagixiso caalami ah oo ku jira xabsiyada Mareykanka: hawl-wadeennada al-Qaacida Ramzi Yousef, Wali Khan, iyo Omar Abd al-Rahman (oo sidoo kale loo yaqaan “the Blind Sheikh”) oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda argagixisada Masar ee al-Gamaat al-Islamiyya.
Taariikhdu markay ahayd 12ka bishii Abriil, 2001, Jeffrey Schilling wuxuu si guul leh uga baxsaday afduubayaashiisa intii lagu jiray weerar ay Ciidamada Qalabka Sida ee Filibiin ay ku qaadeen xerada ASG halkaas oo uu ku xirnaa waxaana dib loogu soo celiyay Mareykanka.
Taariikhdu markay ahayd 27ka bisha Maajo, 2001, kooxda ASG waxay saddex muwaadin oo Maraykan ah ay ka afduubteen Dos Palmas Resort ee Palawan ee dalka Filibiin. Saddexda qof ee Ameerikaanka ahaa ayaa kala ahaa Guillermo Sobero iyo Martin iyo Gracia Burnham, oo ahaa lamaane u dhashay dalka Maraykanka. Taariikhdu markay ahayd 11ka bishai Juun, 2001, afhayeenka kooxda ASG Abu Sabaya ayaa ku dhawaaqay in Guillermo Sobero loo toogtay sida iyadoo “haddiyad dhalasho” loogu dhigay madaxweynaha Philippine Gloria Macapagal-Arroyo. Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Oktoobar, 2001, lafo madax ee ibni aadam ayaa waxaa laga soo saaray Jasiiradda Basilan, kaas oo la xaqiijiyay inuu ahaa Guillermo Sobero. Bishii Juun 2002, Martin Burnham wuxuu ku dhintay rasaas dhexmartay askarta Filibiin iyo kooxda ASG; Gracia Burnham dhaawac ayaa soo gaaray laakiin waa la badbaadiyay waxaana dib loogu celiyay dalka Mareykanka.
Bishii Febraayo 2002, Sali waxaa xeerbeeg heer federaal ah oo Maraykan ah oo ku sugan Degmada Columbia (District of Columbia) ay ku soo eedeeyeen eedaymaha soo socda: Shirqool Dhaliyay Dhimasho, Afduub iyo saddex eedeyn oo ah Af-duubasho oo Dhalisay Dhimasho. Taariikhdu markay ahayd 8da bisha Abriil, 2004, Ciidamada Filibiin Army Scout Rangers, oo ku howlgalaya xogta ay fidiyeen dad badan oo war-bixiyayaal ah, ayaa bilaabay hawlgal lagu soo qabtay Sali, kaas oo lagu dilay rasaas ay isweydaarsadeen askarta.
Si Tilmaan aad u soo Gudbiso
Adiga kaalintaada ka qaado. Ka dhig adduun ammaan ah iyo mustaqbal ifaya. Guji si aad u ogaato wax ku saabsan soo sheegista qaababka tilmaamaha Abaal-marinta Caddaalada.
- Argaggixisonimo
- la haystayaal/Afduubyo
- Kuuriyada Waqooyi
- Faragelinta Doorashada
