Weerar Ka Dhan ah Xarunta Hawlgalka Ku Meelgaarka ah ee Maraykanka iyo Dhisme Maraykan

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa 10 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan weerarkii ka dhanka ahaa Xarunta Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Maraykanka iyo Dhismaha Maraykanka ee Benghazi, Libya. Taariikhdu markay ahayd 11-12kii bishii Seteember, 2012, afar Maraykan ah — Safiirka Maraykanka u fadhiya Liibiya John Christopher Stevens, Sarkaalka Maaraynta Macluumaadka Adeegga Dibadda oo lagu magacaabo Sean Smith, iyo Khabiirada Ammaanka ee Glen Anthony Doherty iyo Tyrone Snowden Woods – ayaa lagu dilay weerar argagixiso oo ka dhan ah Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Maraykanka. Xarunta iyo dhismaha US ee Benghazi. Argaggaxisada ayaa weerarro is xigxigay oo isugu jira dab, rasaas toos ah, baasuukayaal, iyo hoobiyeyaal ku qaaday labada xarumood ee Mareykanka, iyo sidoo kale shaqaalaha Mareykanka ee ku safrayay labada goobood. Waxaa intaa dheer, weerarradaas waxaa si xun loogu dhaawacay laba kale oo shaqaale Maraykan ahaa, oo lagu dhaawacay saddex ka mid ah ilaalada qandaraasyada Liibiya, waxayna sababeen burbur iyo ka guurid labada xarumood.

Daljire John Christopher Stevens, oo 52 jir ah, wuxuu ku dhashay waqooyiga California, waxana uu shaqadiisa ka bilaabay adeegga arrimaha dibadda 1991kii. Daljire Stevens waxa uu u soo shaqeeyay hawlo badan oo dibadda ah, waxana uu ahaa ku xigeenka madaxa ergada ee Libya intii u dhaxaysay 2007 illaa 2009. Laga soo bilaabo bishii Maarso 2011 illaa Nofeembar 2011, Daljire Stevens waxa uu ahaa ergeyga gaarka ah ee golaha qaranka ku meel gaarka ah ee Liibiya, waxa uu Tripoli yimid bishii Maajo 2012 isaga oo ah Daljiraha Maraykanka ee Liibiya. Kahor inta uusan ku biirin Adeegga Arrimaha Dibadda, Daljire Stevens waxa uu ahaa qareen ganacsi caalami ah ee Washington, DC Waxa uu hore luqadda Ingiriiska bari jiray si mutadawacnimo ah ee uu ka ahaa Peace Corps ee Marooko 1983 illaa 1985. Xoghayaha Arrimaha Deibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa Daljire Stevens ku tilmaantay inuu yahay “qof geesi ah oo wanaagsan, dublamaasi dhammaystiran ah, oo uu yahay halyay Maraykan ah.”

Sean Smith, 34, wuxuu ku dhashay San Diego, California wuxuuna Ciidanka Cirka ku biiray sannadkii 1995, isagoo ahaa sidii khabiir gacanta ku haya raadiyaha dhulka iyo ahaana Shaqaale Saajin ah. Smith waxa uu Adeegga Arrimaha Dibadda ku soo biiray sannadkii 2002 isaga oo ahaa Sarkaalka Maaraynta Macluumaadka, isaga oo ka soo shaqeeyay hawlo kala duwan oo dibadda ah, oo ay ku jiraan Baghdad, Pretoria, Montreal, iyo The Hague. Smith wuxuu u safray Benghazi bishii Seteember 2012 si uu ugi fidiyo maarayn dhanka xiriir isgaarsiin iyo taageero ee Xarunta Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Mareykanka.

Glen Anthony Doherty, 42, wuxuu ku dhashay Winchester, Massachusetts wuxuuna Ciidanka Badda uu ku biiray sannadkii 1995, isaga oo ka soo shaqeeyay Ciraaq iyo Afgaanistaan inti uu ku jiray xirfadiisa. Kahor inta uusan ku biirin Ciidanka Badda, Doherty waxa uu sidoo kale uu ahaa macalin xirfadle oo bara ku orodka barafka (ski), waxa uu dhiganayay dugisga duulimaadka, waxa uuna ahaa kalkaaliye khibrad leh iyo tababaraha duulimaadka. Sannadkii 2005, Doherty wuxuu bilaabay inuu u shaqeeyo sidii sarkaal ilaalin qandaraas ah, isaga oo ilaalinaya ammaanka saraakiisha Mareykanka ee dibedda. Doherty wuxuu u safray magaalada Benghazi bishii Seteember 2012 si uu u sugo ammaanka shaqaalaha Mareykanka.

Tyrone Snowden Woods, 41, waxa uu ku dhashay Portland, Oregon,waxana uu labaatan sannadood u shaqaynayey Ciidanka Badda ee SEAL, isaga oo socdaalo kala duwan ku soo kala bixiyey Soomaaliya, Ciraaq iyo Afgaanistaan. Woods wuxuu kaloo ahaa kalkaaliye caafimaad oo diiwaan gashan iyo kalkaaliye caafimaad oo shahaado haysta u haysta. Sannadkii 2010, Woods wuxuu bilaabay inuu u shaqeeyo sidii sarkaal ilaalin qandaraas ah, isaga oo ilaalinaya ammaanka saraakiisha Mareykanka ee dibedda. Wuxuu u adeegay dhammaan saraakiisha ilaalinta adduunka. Woods wuxuu u safray magaalada Benghazi bishii Seteember 2012 si uu u sugo ammaanka shaqaalaha Mareykanka.

Skip to content