Ansaarul Diin (AAD)

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Abaal-marin

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Ansaarul Diin (AAD) waxaa la aasaasay dabayaaqadii sannadkii 2011-kii. Ka dib afgambigii dhacay bishii Maarso ee sanadkii 2012-kii lagu afgambiyay dowladda Maali, AAD waxay ka mid aheyd ururadii la wareegay waqooyiga Maali, burburiyay Goobihii Qadiimiga ee Dhaqangalka ahaa ee UNESCO magacaawday, waxayna soo roogen inay ku xukumaan sharciga shareecada oo si daran ay u fasirteen inay aaggaas oo dhan ay ku kontoroolaan. Sannadkii 2017, AAD waxay ku biirtay Jama’at Nasr al-Islam wal Muslimin (JNIM), oo ah isbahaysi cusub oo ka kooban kooxaha al-Qaacida la safan ee uu hogaamiyo hogamiyaha AAD, Iyad ag-Ghali.

Taariikdu markay ahayd 22ka bisha Maarso, 2013, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa AAD u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 21ka bisha Maajo, 2013, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa AAD waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee AAD, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay AAD la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo AAD.

Skip to content