Kuhusu
Abaalgudka loogu talagalay Cadaaladda waxaa ay bixineysaa abaalmarin ilaa iyo $5 milyan oo doolar oo ay siineyso qofka keena macluumaad ku saabsan Cali Saciid bin Cali el-Hoorie. El-Hoorie, oo la tuhunsan yahay in uu yahay xubin ka tirsan ururka argagixisada ee Xisbullaha Sacuudiga, ayaa loo haystaa doorkii uu ku lahaa qarixii Daarihii Khobar ee ku dhow magaalada Dhahran ee dalka Sacuudiga sannadkii 1996-dii.
25-tii bishii Juun, 1996-kii, xubno ka tirsan Xisbullaha Sacuudiga ayaa gaari booyad ah oo ay ku jiraan walxaha qarxa ku qarxiyay goobta baabuurta la dhigto ee Khobar Towers, oo ah dhismo la dego oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka. Qaraxa ayaa dhammaan burburiyay dhismihii uu dhawaa, waxaana ku dhintay 19 kamid ah ciidamada Maraykanka iyo hal muwaadin oo Sucuudi ah, waxaana ku dhaawacmay boqolaal qof oo ka kala socday dalal kala duwan.
21-dii Juun, 2001-dii, xeerbeegti heer federaal ah oo Mareykan ah ayaa dacwad ku soo oogtay el-Hoorie iyo 13 qof oo kale oo lala xiriiriyay weerarka.
12-kii Oktoobar, 2001-dii, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa el-Hoorie u aqoonsatay Argigixiso Caalami ah oo Si Gaar ah loo Qorsheeyay iyada oo la raacaayo Amarka Fullinta ee 13224, wax laga beddelay. In loo aqoonsado argagixiso caalami ah waxa ka dhashay iyo cawaaqibyo kale, in dhammaan hantida, iyo danaha hantida, ee el-Hoorie ee hoos yimaada xukunka Mareykanka la xannibo, waxaana dadka u dhashay Mareykanka guud ahaan laga mamnuucay inay wax ganacsi ah la sameeyaan el-Hoorie. Waxa uu ku jiraa Liiska Argagixisada ee FBI-da Loogu Doonista Badan yahay.
