Kuhusu
Al-Qaacidada Dhulka Labada Niil (AQTN) waa urur Argagixiso oo fadhigoodu yahay dalka Suudaan, kaasoo maleegayay weeraro lagu bartilmaameedsado Mareykanka, Galbeedka iyo Suudaan. AQTN ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka dhacay bishii Janaayo 2008-dii ee loo geystay diblumaasi u shaqaynayay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) diblumaasi lagu magaabayay John Granville iyo Abdelrahman Abbas Rahama oo u shaqeynayay USAID qofkaas oo Suudaani ahaa.
