Al-Qaacidada Ciraaq (AQI)

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Ururka Al-Qaacidada Ciraaq (AQI) waxaa la aasaasay sanadkii 2004-tii, oo waxaana aasaasay argaggaxiyihii geeriyooday ee la dhihi jiray Abuu Muscab Al-Zarqaawi, kaas oo kooxdiisu u ballan qaaday inay daacad u yihiin hoggaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Ladin. Sanaddadii 1990kii, al-Zarqaawi wuxuu abaabulay ururkii argagixisada ahaa ee al-Tawxiid wal-Jihaad–ururkii ka horeeyey ee AQI–si uu uga soo horjeesto joogitaanka ciidamada Maraykanka iyo kuwa reer Galbeedka ee caalamka islaamka iyo taageerada reer Galbeedku, iyo jiritaanka, Israa’iil. Al-Zarqaawi wuxuu u safray dalka Ciraaq intii uu socday Hawlgalkii Xornimada Ciraaq — duulaankii ay Ciraaq ku qaadeen isbahaysi uu Maraykanku hoggaaminayo oo ka kooban in ka badan 40 dawladood — waxana uu hoggaaminayey kooxdiisii oo ka soo horjeeday ciidammada Maraykanka iyo Isbahaysiga halkaas ilaa uu ka geeriyooday bishii Juun ee sannadkii 2006dii. AQI waxay beegsatay Isbaheysiga iyo ciidamada Ciraaq iyo rayidka si ay ugu cadaadiyaan ajaanibta inay ka baxaan dalka Ciraaq, oo ayna hoos u dhigaan taageerada caanka ah ee Ciraaq ee Mareykanka iyo dawladda Ciraaq, iyo inay soo jiidato dad ay qoroto. Bishii Oktoobar 2006, AQI ayaa si fagaare ah magacageedu u beddeshay Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq. Kooxdan waxay noqotay Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) sannadkii 2013 ka dib markii ay ka go’day kooxda AQ.

Taariikdu markay ahayd 17ka bisha Diseembar, 2004, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa AQO (oo hadda loo yaqaano ISIS) u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, Taariikhdu markay ahayd 15ka bish Okotoobar, 2004, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa AQl waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ISIS, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay ISIS la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo ISIS.

Skip to content