Al-Mourabituun

Abaal-marin

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Al-Murabituun, oo asal ahaan qayb ka ahaa al-Qaacidada Magrib Islaami (AQIM), waxay noqdeen urur gaar ah dhammaadkai 2012 ka dib markii hoggaamiyahooda, Mokhtar Belmokhtar, uu AQIM ka go’ay. Kala go’a ka dib, Belmokhtar wuxuu ku hanjabay inuu la dagaalami doono danaha reer galbeedka, wuxuuna ku dhawaaqay aassaasayo Guutada al-Mulathamuun. Sannadkii 2013, Guutada al-Mulathamuun iyo Dhaqdhaqaaqa Midnimada iyo Jihaad-doonka Galbeedka Afrika ee fadhigiisu yahay Mali (MUJAO) ayaa ku dhawaaqay in labada urur ay ku midoobayaan magaca “al-Murabituun.” Sannadkii 2015, al-Murabituun wuxuu ku dhawaaqay dib-ugu-biiritaanka AQIM. Al-Mourabituun sannadka markuu ahaa 2017 ayaa wuxuu ku biiray saddexda kooxood argaggixisada kale ee gobolka si ay u aassaasaan Jama’at Nasr al-Islam wal Muslimin (JNIM).

Bishii Janaayo 2013, waxa hadda loo yaqaan al-Murabituun ayaa waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhanka ahaa xarunta gaaska Tiguentourine ee u dhowayd In Amenas, ee koonfurta-bari ee Aljeeriya. In ka badan 800 oo qof ayaa la qafaashay afarta maalmood ee ay go’doominta socotay. Soddon iyo sagaal qof oo rayid ahaa oo ayna ku jiraan saddex muwaadiniin Maraykan ah ayaa weerarkaas lagu dilay. Bishii Nofembar 2015, hawl-wadeennada al-Murabituun ayaa weeraray Huteelka Radisson Blu ee magaalada Bamako waxayna qafaasheen in ka badan 170 qof – oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Ku dhawaad 27 qof ayaa lagu dilay weerarka, oo uu ku jiro shaqaale u shaqeynayay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka. Al-Murabituun ayaa lagu soo waramayaa inay ku lug lahaayeen weerarkii AQIM ee bishii Janaayo 2016 ee lagu qaaday hotel caan ah oo loo dalxiis tago oo ku yaala Burkina Faso kaas oo lagu dilay ku dhawaad 30 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

Taariikdu markay ahayd 19ka bishii Diseembar, 2013, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa waxay al-Murabituun u magacaabay inay hoos yimaadaan magaca Guutada al-Mulathamuun, ayna yihiin sida Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Muwaadinnimada, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 18ka bishii Diseembar, 2013, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Guutada al-Mulathamuun waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Al-Murabituun ayaa weli ah magaca koowaad ee kooxda. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee kooxda, sida hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Guutada al-Mulathamuun la sameeyaan. Waa dembi in si bareer ah loogu fidiyo, ama la isku dayo ama la la shaqeeyo si loo bixiyo, taageero ilo al-Murabituun/Guutada al-Mulathamuun.

Skip to content