Kuhusu
Kooxda Abuu Sayyaf (ASG) ayaa horaantii 1990-naadkii ka soo go’ay Jabhadda Xorraynta Qaran ee Moro National Liberation Front, waana mid ka mid ah kooxaha argaggixisada Filibiin ee ugu tacadiga badan. Waxaa horraantii raad ku yeeshay al-Qaacida, ASG waxaay sheeganaysaa in ay dhidabbada u taagi doonto dawlad islaami ah oo madax banaan oo ay ka dhisayso gobolka Mindanao iyo Sulu Archipelago. Mar aad u dhowayd, qaar ka tirsan kooxda ayaa xiriir la sameeyay ISIS-ta gobolka ee xiriir la leh ISIS-Philippines. Kooxda waxay falal araggax ah ay ka geysatay guud ahaan dalka Filibiin oo ay ku jiraan qaraxyo, dilal qorsheysan iyo afduubyo madax-furasho ah.
Taariikdu markay ahayd 8da bisha Oktoobar, 1997, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ASG u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Mar dabme, taariikhdu markay ahayd 23ka bisha Seteember, 2001, ASG waxaa lagu taxay Lifaaqa Amarka Fulinta 13224. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ASG hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay AQ la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo ASG.
