Cabdul Riza Shahla’i

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 15 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $15 milyan ciddii keenta xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed, shabakadaha, iyo saaxiibada Cabdul Reza Shahla’i, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Yusuf Abu al-Karkh’ iyo Xaajji Yusef. Shahla’i waa taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan–Qods Force (IRGC-QF), oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca, ee dalka Yemen. Shahla’i waxaa lagu yaqaanaa oo uu leeyahay taariikh dheer oo ah inuu bartilmaameedsado dadka Ameerikaanka iyo xulafada Maraykanka oo adduun waynaha.

Shahla’i wuxuu qorsheeyay dilal dhowr ah oo ku aadan xoogga isbaheysiga ee ku sugan Ciraaq, wuxuu siiyay hub iyo walxaha qarxo oo uu u fidiyay kooxaha mayal-adag ee Shiicada oo wuxuu qorsheeyay weerarkii 20ka Janaayo, 2007 ee lagu qaaday Karbala, Ciraaq, ee ay ku dhinteen ciidamo Maraykan ah oo ayna ku dhaawacmeen seddex kale.

Isaga oo ah maal-geliye iyo sarkaal sare oo ka tirsan IRGC, sannadkii 2011, Shahla’i wuxuu maalgeliyay oo agaasimay shirqoolkii lagu dilay safiirkii Sucuudiga u fadhiyay Maraykanka ee Washington, DC Shahla’i ayaa sidoo kale waxa uu qorsheeyay weerarro daba-socday oo gudaha Maraykanka iyo meelo kaleba ka dhacay. Haddii qorshahan uu fuli la’haa, waxaa ku dhiman karay illaa 200 oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Taariikhdu markay ahayd 11kii bishii Okotoobar, 2011, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Shahla’i u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Markeedii hore, sannadkii 2008, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa u magacawday Shahla’i iyada oo la raacayo Amarka Fulinta 13438 ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Ciraaq iyo dawladda Ciraaq. U aqoonsiyadan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Shahla’i hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Shahla’i la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, taageero maaddi ah loo gudbiyo IRGC, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye. Sidoo kale Bahrain, Ururka Qarmada Middoobay, Sacuudi Carabiya, iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa iyaguna sanadkii 2018 ku magaacabay.

Skip to content