Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $7 milyan oo ay siinayso ciddii keenta xog ku saabsan Muxamed Abbatay, oo loo yaqaan Cab al-Raxmaan al-Maghrebi. Al-Maghrebi waa hogaamiye muhiimka ah ee al-Qaacida (AQ) oo fadhigiisuna yahay dalka Iiraan. Waa agaasimaha muddada dheer ahaana garabka warbaahineed ee AQ, al-Sahab, oo waana wiilka uu soddogga u yahay iyo la taliyaha sare ee hoggaamiyaha AQ Ayman al-Zawahiri.
Dukumentiyada la helay intii lagu jiray hawlgalkii milatari ee dhacay 2011 ee hawlgalkaas oo ka dhanka ahaa hogaamiyihii hore ee AQ Usama bin Ladin oo hadda geeriyooday ayaa tilmaamaya al-Maghrebi in uu ahaa xidig AQ oo sanado badan soo korayay. Al-Maghrebi waxa uu ahaa maareeyaha guud ee kooxda AQ ee Afgaanistaan iyo Pakistan tan iyo illaa sannadkii 2012. Ka dib sannado badan oo cadaadis caalami ah lagu saarayay la dagaallanka argaggixisada, wuxuu u guuray dalka Iiraan, halkaas oo uu ka sii waday kor kala socoshada dhaqdhaqaaqyada AQ ay adduunka oo dhan ka waday. Isaga oo madax ka ah Xafiiska Isgaarsiinta Dibadda ee AQ, al-Maghrebi waxa uu iskduwaa hawlaha AQ la xiriira.
Taariikhdu markay ahayad 12ka bisha Janaayo, 2021, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Maghrebi waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Maghrebi hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Maghrebi la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo AQ, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.
